Ntaganda oo markale maxkamadda hor imanaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Bosco Ntaganda

Waxaa maanta dib uga bilaabanaya maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dhagaysiga dacwada ka dhanka ah hogaamiyihii fallaagada Congo ee Bosco Ntaganda.

Ninkan ayaa shalay maxkamada horteeda ka sheegay in aanu gelin 18 dembi oo loo haysto, ayna ka mid yihiin dil, kufsi iyo caruur askareyn.

Dhagaysiga dacwada ee maanta ayaa waxaa maxkamada ka hor hadli doona qareennada matalaya dhibanayaasha iyo kuwa difaacaya eedeysanaha.

Waa markii ugu horeysay oo sharciga caalamiga ah loo adeegsado eedeysane loo haysto in uu caruur kufsaday.

Bosco Ntaganda ayaa lagu eedeeyay in uu dilay in ka badan 800 oo qof oo rayid ah mudadii u dhexeysay 2002 ilaa 2003.

Waxaa sidoo kale loo haystaa in uu kufsaday gabdho uu askareeyay.

Dacwad oogga ayaa sheegay in dagaalyahannada jabhaddii Union of Congolese Patriots (UCP) ee uu madaxda u ahaa jeneral Ntaganda ay si joogta ah u kufsan jireen gabdhaha yaryar ee la askareeyay, ayna isu dhiidhiibi jireen taliyayaasha jabhadaasi.

Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa ku faraxsan maxkamadeynta jeneral Ntaganda, ayaga oo u arka in tani ay cadeyn u tahay in kuwa awoodda leh maalin uun cadaaladda la horkeeni doono.

Sanadkii 2013 ayaa jeneral Ntaganda waxa uu isu dhiibay safaaradda Mareykanka ee ku taalla caasimada Kigali ee Rwanda.