Turkiga oo dad laga afduubay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada ammaanka ee Ciraaq.

Turkiga ayaa sheegay, in siddeed iyo toban qof oo Turkish ah laga afduubay meel dhismo ka socday dalka magaalada Baqdaad ee Ciraaq.

Niman wajiga iska duubay oo xiran dharka milatariga ayaa ka afduubay shaqaalaha meel ay jiifeen oo ah dhismo la dhisayay.

Saraakiisha Ciraaq ayaa sheegay inaysan ogayn cidii ka danbaysay afduubka.

Turkiga ayaa dhawaan bilaabay olole weerar oo ay kula dagaalamayso ururka la magac baxay dowladda Islaamiga.

Waxay sidoo kale u ogolaatay diyaaradaha Maraykanka inay isticmaalaan saldhigyo ku yaalla Turkiga.