Bandhigga Carwada Expo Milano 2015

Image caption Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlaya carwada Milano

Maanta waxay u tahay maalinta qaran ee Soomaaliya Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Milano 2015, oo ka socda magaalada Milano ee dalka Talyaaniga.

Bandhigga carwadan oo ay ka qaybgalayaan 140 dal oo caalamka ah, wuxuu soo bilowday bishii May ee sanadkan waxaana uu soconayaa ilaa bisha Oktobar ee sanadkan.

Bandhigga ayaa ujeedadiisu tahay in waddan walba oo caalamka ah ay ku soo bandhigaan wax soosaarkooda iyo fursadaha ganacsi ee ka jira.

Dhinaca Soomaaliya waxaa ka qaybgalaya ganacsato Soomaaliyeed iyo wafdi ka socda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka hadlay maanta bandhiga.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay ganacsi iyo maalgashi.