Uganda oo sheegtay 12 askari laga dilay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Uganda waa ciidanka ugu badan ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in 12 askari looga dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday toddobaadkan saldhig ay ku lahaayeen ciidankooda Janaale.

Afhayeenka ciidanka Uganda, Pandy Ankunda ayaa BBC u sheegay in meydka toban ka mid ah ciidankaasi la keenay Uganda.

Waxa uu beeniyay tirada ay al-Shabaab sheegatay ee ah inay ku dileen weerarka in ka badan konton askari, isagoo intaa raaciyay in guddi baaritaan loo saaray si ay u soo baaraan halka ay wax ka khaldameen.

Dhinaca kale, taliyaha guud ee ciidanka Uganda, Katumba Wamala ayaa tagay magaala Muqdisho, kadib weerarka lagu qaaday ciidankiisa.

Ciidanka ka socda Uganda tiro ahaan waa kuwa ugu badan ee Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.