Kumanaan qaxooti oo imanaya Austria

Lahaanshaha sawirka afp getty
Image caption Qaxootiga reer Suuriya.

Austria ayaa sheegtay inay filanayso ilaa toban kun oo qof maanta inay soo galaan waddanka. Basas Hungary ay leedahay ayaa u qaaday qaxootiga xuduudda Austria.

Habeenimadii, shaqaalaha gargaarka ee Austria ayaa soo dhaweeyay kumanaan qof oo qaxooti ah kadib markii basas ka keenay Hungary ay keeneen xuduudda.

Dowladda Hungary ayaa sheegtay inaysan jiri doonin basas iyo tareeno kale. Waxay sheegtay inay basaska keentay kadib markii dadka ay u lugeeyeen xuduudda Austria, hadana ay xaalada dib u eegayso.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay filanayso in qaxooti badan ay yimaadaan maagaalooyinkooda.