Finland: Juha Sipila oo gurigiisa u furaya qaxooti

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Finland ayaa soo dhawaysay qaxooti aad u badan.

Ra'iisalwasaaraha Finland ayaa sheegay inuu gurigiiisa u furi doono qaar ka mid ah qaxootiga imanaya dalkiisa.

Juha Sipila, ayaa sheegay in qof walba uu u baahan yahay inuu ka qayb qaato caawinta dadka.

Waddanka ayaa filanaya inay imaadaan qaxooti badan, xarumihii ay imaanayeen ayaa buuxsamay, gaar ahaan waqooyiga dalka oo uu Ra'iisalwasaaraha uu ka yimid.

Mr Sipilia ayaa degan guriga Ra'iisalwasaaraha ee Helsinki, gurigiisa oo ku yaalla waqooyiga tuulada Kempele lama isticmaalo inta badan.