Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Carwada Expo ee Milan

Magaalada Milano ee dalka Talyaaniga waxaa ka socota carwo caalami ah oo sannadle ah, taas oo lagu soo bandhigayo waxyaabaha uu dal kasta dibadda u dhoofiyo.

Waddankastana maalin ayaa loo qoondeeyey inuu bandhigga qaato, maantana waa maalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud, ayaa tagay Milan wuxuuna la kulmay qaar ka mid ah dalalka iyo ganacsatada carwadaas jooga si ay maalgashi ugu samaystaan Soomaaliya.

Cabdi Abshir Dhoorre oo ah Agaasimaha guud ee rugta ganacsiga ee Soomaaliya, ayaa isaga oo jooga magaalada Milan Farah Lamaane uga warramay doorka ay Soomaaliya ku leedahay carwadaas.