Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muranka shidaalka Berbera oo sii jiitamaya

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa maanta jawaab ka bixiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku soo celiyay

Golaha Wakiilada go'aan ay cod aqlabiyad ah goluhu todobaadkii hore ku laaleen. Go'aanka ayaa baarlamaanka uu diiday in haamaha keydka shidaalka ee Berbera lagu wareejiyo sharikado gaar ah oo aan tartan furan u gelin.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, oo wareystay gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa ugu horeyn wuxuu weydiiyay waxa ay kaga jawaabayaan gole ahaan in madaxweynuhu ku soo celiyo go'aan ay gacanta u taageen.