Kumanaan imanaya Jarmalka iyo Austria

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Qaar ka mid ah qaxootiga ayaa yimid magaalada Munich ee Jarmalka.

Kumanaan qof oo qaxooti ah ayaa soo galaya Jarmalka iyo Austria kadib markii ay ku go'doonsanaayeen maalmo Hungary.

Qaxooti kale oo badan ayaa sidoo kale ka soo raacaya tareeno magaalada Budapest.

Ilaa toban kun ayaa lagu waramayaa inay galeen Austria Sabtidii, intooda badan ayaa sii aaday Jarmalka

Ilaa toban kun oo qof ayaa la sheegay inay soo galeen Austria Sabtidii, intooda badana waxay u gudbeen Jarmalka.

Dad ayaa ku soo dhaweeyay qaxootiga markii ay soo galeen Jarmalka iyagoo u sacbinaya.

Dowladda isbahaysiga ee Jarmalka ayaa dhowaan kulmaysa si ay uga hadlaan qorshaha Jarmalka iyo Yurub ee looga jawaabayo dhibaatooyinka qaxootiga