Tunisia oo ka digtay weerar

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Tunisia ayaa gashay xaalad degdeg ah kadib xasuuq loo gaystay dalxiisayaal.

Dowladda Tunisia ayaa ka digtay qatar qarax baabuur inuu ka dhaco magaalo madaxda Tunis.

Waxay mamnuuceen baabuur inay marto jidadka bartamaha magaalada.

Wasaarada arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in warbixino sirdoon inay muujiyeen qatar meelaha istiraatiijiyada ah ee magaalada in la beegsado, laakiin ma bixin wax faahfaahin ah.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray jidka muhiimka ah ee Habib Bourguiba iyo jidad kale.

Tunisia ayaa ku jirta xaalad degdeg ah, oo la soo rogay horaantii sanadkan kadib markii mintidiinta ay weerar ku qaadeen laba goobood oo dalxiisayaal joogaan.