Jarmalka oo qaadan kara qaxooti badan

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kumanaan qaxooti ayaa soo galay Jarmalka maalmo gudahood.

Wasiir ku xigeenka maaliyada ee Jarmalka ayaa sheegay in Jarmalka uu soo dhawayn karo nus milyan qaxooti ah sanadkii dhowr sanno.

Sigmar Gabriel, hadalkiisa ayaa yimid iyadoo Gudiga Yurub uu kulmayo maanta si loo dhameeyo qorshe lagu dajinayo boqol iyo lixdan iyo shan kun oo qaxooti, oo intooda badan ka yimid Suuriya.

Hadii qorshaha Gudiga la ansixiyo, ganaax ayaa lagu soo rogi karaa waddankii diida inuu qaato qaxootiga oo yimid Talyaaniga, Gariiga iyo Hungary.

Ra'iisalwasaaraha Jarmalka ayaa maanta kula kulmi doonta Berlin ra'iisalwasaaraha Sweden.

Qaxootiga intooda badan ayaa waxay tagaan Sweden iyo Jarmalka.

Sweden

Sweden oo noqotay meel ay jecel yihiin qaxootiga inay tagaan. 77% dadka magangalyada waydiisanaya ayaa guulaystay 2014-kii.

Hadii qofka uu ka soo baxo waxa laga rabo, ma jiro wax hor istaagaya qofka inuu shaqaysto intuu sugayo go'aanka.

Lacagta la siiyo qofka kaligiis ah waa $250 bishii.

Jarmalka

Bilihii ugu danbeeyay qaxootiag intooda badan waxay aadayeen Jarmalka. 42% ayaa guulaysta dadka magangalyada waydiisanaya.

Saddex bilood ayay qaadanee intaadan shaqo bilaabin, lacagta la siinayo qofka kaligiis ah waa $420 bishii

Hungary

Hungary oo inta badan ay rabaan dadka inay ka tagaan. 9% dadka magangalyada waydiista ayaa ku guulaysta.

Dadka waa inay sugaan sagaal bilood intaysan shaqo bilaabin iyagoo loo ogol yahay oo kaliya xero inay degaan.

Lacagta bishii la siinayo qofka waa $95 oo ah tan ugu yar saddexda waddan.