Saddex lagu xiray Nairobi

Image caption Nairobi

Saddex qof ayaa lagu xiray magaalada Nairobi ee Kenya kadib markii nin uu isku dayay inuu la soo galo waxyaabaha qarxa xarun dukaamo.

Ilaalada xarunta ayaa qabtay ninka kadibna boliiska Bombaanooyinka ayaa joojiyay bobmka inuu qarxo.

Waxaa la aaminsan yahay inay ahayd waxyaabaha qarxa ee ku shaqeeya batariga, iyo telefoonka gacanta oo loo adeegsan rabay in lagu qarxiyo.

Xarunta Garden City Hall ayaa dadka laga bixiyay.