Qadar oo ciidamo u diraysa Yemen

Image caption Ciidamada isbahaysiga ayaa kordhiyay weeraka cirka ee Sanca.

Qadar ayaa xaqiijisay inay u dirtay hal kun oo ciidankeeda inay ku biiraan isbahaysiga ay hogaaminayso Sacuudi Carabiya ee looga soo horjeedo mucaaradka Xuutiga ee Yemen.

Ciidamada ayaan wali soo galin Yemen, laakiin waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dagaalamaan. Dowladaha ka tirsan isbahaysiga oo ay ku Sacuudiga iyo UAE ayaa u diray ciidamo dagaalama Yemen.

Isbahaysiga ayaa sidoo kale kordhiyeen weerarka diyaaradaha ee magaalo madaxda Sanca, kadib markii ay Xuutiga dileen lixdan askari.