Turkiga oo ku weeraray PKK waqooyiga Ciraaq

Lahaanshaha sawirka hurriyet.com.tr
Image caption Maydka ciidamada Turkiga.

Diyaaradaha Turkiga ayaa bilaabay weerar diyaaradeed oo ay ku beegsanayaan saldhigyo mucaaradka Kurdiyiinta ee PKK ee waqooyiga Ciraaq, kadib weerar wayn oo lagu qaaday ciidanka gobolka Hakkari ee koonfur bari Turkiga.

Tobanaan diyaarado ayaa ka qaybgalaya lix saacadood oo weerar ah saacadihii hore ee maanta, ayay wakaalada wararka ee Anadolu sheegtay.

Ra'iisalwasaaraha Ahmet Davutoglu ayaa balanqaaday, inuu baabi'iyo mucaaradka meesha ay ku xoogan yihiin si looga jawaabo weerarkii PKK ee Axada.

Ugu yaraan 16 ciidamada Turkiga ayaa lagu dilay gobolka Hakkari, ayay sheegeen ciidamada.

Bambaanooyin ayaa lagu qarxiyay meel u dhow laba baabuur milatari tuulada Daglica oo ah u dxuduudda Ciraaq.

Mr Davutoglu ayaa ka jawaabay isagoo u sheegay wariyayaasha, "Turkiga inaan laga niyad jabin karin dagaalka uu kula jiro argagixisada. Buurahan ayaa laga baabi'in doonaa argagixida". Si kasta oo loo sameeyo, waa la baabi'in doonaa.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale balan qaaday go'aan dhaqso ah oo waxtar leh.

Ugu yaraan 35 ka tirsan mucaaradka PKK ayaa lagu dilay weeraka diyaaradaha horaantii maanta sida ay sheegaty Anadolu.

Weerarkan ayaa ah kii ugu danbeeyay dagaalka sii kordhaya ee u dhaxeeya ciidanka iyo PKK tan iyo markii la jabiyay xabad joojinta bishii July.