Qalalaase ka dhacay dalka Turkiga

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shacab dibad baxayay ayaa gubay dhismaha wargeyska iyo kan xisbiga HDP

Boqollal qof oo ruxaya calanka Turkiga ayaa waxa ay weerar ku qaadeen xarunta xisbiga HDP ee taageera kurdiyiinta.

Dhismaha oo ku yaalla caasiamdda dalkaasi ee Ankara ayaa dab la qabadsiiyay.

Xisbiga waxa ay sheegayaan in xarumahooda kale ee qeyba kaloo dalkaasi ku yaalla la weeraray.

Magaalada Istanbul na, dhismaha uu ku yaalla xafiiska wargeyska Xuriyat ayaa markii labaad isbuucan la weeraray.

Qalalaasahan waxa uu daba socdaa isku dhacyada u dhexeeya ciidamada amniga iyo dhaqdhaqaaqa la mamnuucay ee kurdiyiinta ee PKK oo sare u kacay.

Ra’iisul wasaaraha, Ahmet Davutoglu waxa uu cambaareeyay warbaahinta sida ay uga warrantay iyo xisbiyada siyaasadda, wuxuuna ku baaqay in la isdejiyo.

Ugu yaraan 14 askeri ayaa Turkiga uga dhimatay weerar talaadadii dalkaasi ka dhacay.