Turkiga: xafiiska HDP oo la gubay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Xaruntii xisbiga HDP oo la gubay.

Hogaamiyaha xisbiga ugu wayn ee Kurdiyiinta ee Turkiga ayaa ku eedeeyay dowladda inay abaabulayso olole dagaal lagu qaadayo xafiiskiisa.

Selahattin Demirtas, oo hogaamiya xisbiga HDP, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan bilaabida dagaal kadib habeenkii labaad oo weerar lagu qaaday xafiiskiisa.

Magaalo madaxda Ankara, boqollaal mudaaharaadaya ayaa dab qabadsiiyay xafiiska HDP.

Mr Demirtas ayaa sheegay inay noqonayso waxaan suurtogal ahayn in la qabto doorashada dhici doonta November.

Ra'iisalwasaaraha, Ahmet Davutoglu, ayaa ku baaqay daganaansho. Arrintan ayaa ka danbaysay dagaal u dhaxeeya ciidamada Turkiga iyo mucaardka Kurdiyiinta ee la mamnuucay ee PKK.