USA oo furtay safaarada Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Maraykanka ayaa bixiya lacagta ugu badan ee la siiyo ciidamada Amisom.

Maraykanka ayaa dib u bilaabay howlihii dimlomaasi ee uu la lahaa Soomaaliya, iyadoo ah talaabadii ugu danbaysay ee lagu soo celinayo xiriirka labada waddan.

Howlgalka diblomaasi ayaa xaruntooda ay noqon doontaa safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ku taal magaalada Nairobi ee Kenya. laakiin lama magacaabin safiir.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay, in diblomaasiyiinta ay sii wadi doonaan safarka ay ku tagaan Soomaaliya markuu ammaanka uu ogolaado.