Hadhaaga wax dad u eeg oo la helay

Saynisyahannoda dalka South Africa ayaa helay haraaga wax dad u eg oo aan hore loo aqoon oo dhulka hoose ku aasan.

waxay heleen gaballo qalfoof ku jiray qod aan la geli karin meel u dhow magaalada Johannesburg, kaasoo ay ku sheegeen inuu ahaa goob dadka lagu aasi jiray.

Dadkaas oo ah kuwo maskax yar waxay Afrika ku noolaan jireen saddex milyan oo sano kahor.

Ninka hoggaaminayay sahankan, Professor Lee Berger, waxaa uu sheegay in cadden la helay ay muujisay in dadkaas hore oo lagu magacaabi jiray, Homo naledi, ay xataa meydkooda aasi jireen-- taasina ay tahay wax aad u wanaagsan: