Axmed Madoobe oo la caleemosaaray

Image caption Madaxweynaha Jubbaland

Magaaladda Kismayo maanta waxaa lagu qabtay xaflad lagu caleemosaarayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam

Xaflada waxaa ka qayb galay dhamaan madaxda maamul goboleedyada Soomaliya,madaxweynaha dowlada federaalka, wadamada dariska iyo waliba beesha caalamka

Amaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyey waxaana caawa magaalada ku hoyana inta badan madaxda soomalida iyo waliba xubno beesha caalamka ka mid ah

Waxaa jira qilaaf iyo arimo la isku diidanaa oo maamulka Jubbaland iyo dowlada federaalka u dhaxeeya.

Sida xubnaha lagu darayo baarlamaanka jubbland iyo waliba cabashooyin laga muujinayay baarlamaanka Jubbaland.

Wararka u dambeeyey ee magaaladda Kismaayo ka imanaya ayaa sheegaya in sidoo kale magaalada maalmahan uu ka sii socon doono shirar la xiriira Hiigsiga sanadka 2016-ka

Mamaulka Jubbland waxa uu sanadkan bishiisii Agoosto 15-keedii madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam

Dowlada federaalka iyo Jubbalandana waxaa intii mudo ahaydba u dhaxeeyey khilaaf siyaasadeed