Muhaajiriin weli ku qulqulaysa Yurub

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Kumanaan muhaajiriin ah ayaa Yurub ku sii qulqulaya

Safaf aan dhamaad lahayn ayaa ka samaysmaya xudduudaha wadamada Yurub, ayadoo boqollaal qof oo ah dad cusub ay ku sugayaan basas meel dhoobo iyo wasakh badan

Dadkan waxay doonayaan inay aadaan xarumaha loogu tala galay soo galootiga. Talaadada soo socota wixii ka billowda isbeddel ayaa xeerarka ku imaanaya,

Ra'iisul wasaaraha Hungary Victor Orban wuxuu sheegayaa in dadka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka loola dhaqmi doono sidii dad dambiileyaal ah oo la xiri doono

Taasi waa inta la sheegay, laakin lama oga sida ay u shaqayn doonto. Askarta ayaa la filayaa in halkaa la geeyo inkastoo aysan caddayn waxa kalintoodu noqon doonto.

Mr. Orban wuxuu sheegay in xalka mushaakilka qaxootiga uu yahay in lagu kordhiyo kaalmada la siiyo dalalka ay ka yimaadaan ee xudduudda la leh Suuriya barnaamij 3 bilyan oo Euro ah oo lagu caawinayo

laguna dhiirrigalinayo in dadku ay joogaan halkii ay Yurub u soo safri lahaayeen.

Dhinaca kalena Jarmalka oo ka mid ah dalalka ay qaxootigu doonayaan inay gaaraan ayaa wasiirkooda difaaca wuxuu ku dhawaaqay in 4,000 oo askari heegan la galin doono

Maalmahan si ay wax uga qabtaan qulqulka qaxootiga iyo soo galootiga Jarmalka imaanaya,kuwaasoo gaaraya 800,000 sannadkan oo kaliya

Waxayna tiradaasi ka badan tahay midda dal kasta oo Yurub ku yaalla. 40,000 ayaa la filayaa in maanta iyo berri oo kaliya ay yinaadaan koofurta Jarmalka

Taasoo laba jeer ka badan tii todobaadkii hore. Waxayna ku keeni doontaa mushaakil ballaaran oo xagga sahayda ah.

Maamulayaasha maxalliga ah oo la halgamaya inay la tacaalaan. Sidaa darteedna ciidanka ayaa iminka gacan siinaya.

Laakin askartu gacan kama gaysanayanaan sidii siyaasad loogu dejin lahaa, waxayse gacan ka gaysanayaan xagga sahayada, sida gaadiidka

Nidaamka codsiyada magalgalyo doonka, iyo sidii loo heli lahaa goobo dadkaas laga dejiyo xeryaha ciidanka.

Wax caadi ah ma aha in ciidanka Jarmalku ay arrin noocan oo kale ah ku lug yeeshaan, laakinse talaabadan ayaa muujinaysa sida ay jarmalka uga go'an tahay inuu wajaho mushaakilkan.