Baarlamaanka Somaliland oo la isugu gacanqaaday

Image caption baarlamaanka Somaliland

Baarlamaanka Somaliland ayaa fadhigii golaha wakiilada waxaa maanta ka dhashay dagaal iyo gacan kahadal

waxaa gacanta isula tegay oo feedh isla dhacay gudoomiyaha aqalka wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo gudoomiye ku-xigeenkiisa kowaad Baashe Maxamed Faarax .

Gacan ha hadalkan ayaa ka dhashay markii 33 mudane oo taageersan in haamaha shidaalka ee Berbera uu madaxweynuhu ku wareejin karo shirikado gaar ah.

Qorshahaasoo ay ahayd in golaha uu maanta ka doodo oo uu ansixiyo oo ka laabto laalidii uu hore u laalay todobaadkii hore in haamaha shidaalka ee berbera aanla wareejin karin

Gudoomiyuha baarlamaanka ayaa sheegay in aan mooshinkan haamaha kalfadhigan la hor keeni karin sida xeer hoosaadku qorayo maadama isla kalfadhigan lagu laalay

Haseyeeshe gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha wakiiladu ayaa ku dhawaaqay in cod loo qaado mooshinkan , kadibna awoodii hogaaminta golaha ay isku qabsadeen labadoodu oo ay feedh isla dhaceen