David Cameron oo booqanaya Labnaan

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption David Cameron oo la kulmaya qaxootiga degan xerada qaxootiga ee Bekaa Valley.

Ra'iisalwasaaraha Britain, David Cameron, ayaa booqanaya Labnaan si uu u arko sida loo isticmaalo gargaarka Britain ay bixiso.

Britain ayaa bixisay in kabadan hal iyo bar bilyan oo dollar si loo caawiyo malaayiinta qaxootiga ee jooga gobolka.

Isagoo ka hadlaya xerada Bekaa Valley, oo u jirta in ka yar mile xuduudda Suuriya.

Mr Cameron ayaa sheegay lacagta Britishka inay ka badbaadisay boqolaal kun oo reer Suuriya ah inay u soo safraan Yurub.

Wuxuu ku dhawaaqay wasiir cusub oo masuuliyadiisa noqon doonto qaxootiga.