Jarmalka: Facebook oo ilaalin doona fariimaha

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Macaamiisha facebook

Masuuliyiinta Facebook ee Jamalka ayaa sheegay inay samaynayaan koox ka hortagta fariimaha looga soo horjeedo qaxootiga ee lagu qoro facebook.

Masuuliyiinta ayaa sheegeen inay korortay hadalada jinsi nacaybka ee facebook lagu soo qoro ee dalka Jarmalka, iyadoo ku soo daaday qaxootiga imanaya waddanka.

Kadib cadaadis uga yimid dowladda Jarmalka, facebook ayaa sheegay inuu adkayn doono habka loo ilaaliyo loogana tirtiro hadalada aan haboonayn.