UNHCR oo u baaqday Yurub

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaxootiga imanaya magaalada Munich ee Jarmalka.

Hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in waddamada Yurub ay si dhaqso ah u helaan xal buuxa oo ay uga jawaabaan qaxootiga imanaya. Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii waddamo dhowr ah ay sheegeen inay bilaabayaan ilaalinta xuduuddahooda.

Waxay ku baaqday in la sameeyo xarumo lagu diiwaangaliyo waddamada ay qaxootiga imanayaan.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo Jarmalka, Austria, Czech Republic iyo Hungary ay adkeeyeen xuduuddooda.

Wasiirada arrimaha gudaha ee Yurub ayaa qabanaya shir deg deg ah oo looga hadlayo dhibaatada qaxootiga. Midowga Yurub ayaa kor u qaaday tirada qaxootiga ee ay doonayso waddamada Yurub inay qaybsadaan, oo ay ka dhigtay boqol iyo lixdan kun oo qof.