Hungary: Degmooyin la galiyay xaalad deg deg

Lahaanshaha sawirka REUTERS
Image caption Hungary ayaa xiraysa dadka ka soo talaaba darbiga ay ka samaysay xuduudda.

Hungary ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah degmooyinka xuduudda Serbia u dhow, kadib markii ay samaysay sharci adag oo loogu talagalay in lagu joojiyo dadka sharci darada ku imaanaya waddanka.

Boliiska ayaa sheegay inay xireen lixdan qof oo isku dayay inay ka soo galaan darbiga siliga ee dhawaan la sameeyay.

Wariyaha BBC ee jooga xadka u dhaxeeya labada waddan ayaa sheegay, in koox ka badan laba boqol oo qof ay samaynayaan mudaaharaad. Waxay sheegeen inaysan wax cunayn, waxna cabayn ilaa loo ogolaado inay gudbaan.