Boliiska Hungary oo ka hor yimid qaxooti

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boliiska ayaa dadka u isticmaalay gaaska ilmada dadka ka keena.

Boliiska Hungary ayaa ka hor yimid qaxooti mudaaharaadaya oo doonaya inay ka gudbaan xuduudda Hungary.

Boliiska ayaa ku furay dadka gaaska ilmada dadka ka keena iyo biyaha lagu kala eryo dadka, iyadoo dadka qaar ay boliiska ku weerareen dhagxaan iyagoo ku qaylinaya fur xuduudda.

Baabuurta ciidamada ayaa la keenay xuduudda, boliiska rabshadahana waa la keenay kadib markii dad ay ka soo gudbeen darbiga siliga.

Serbia ayaa Hungary ku cambaaraysay inay qaxootiga u isticmaashay gaas, waxayna ku dhiiri galisay inay furto xuduudda. Laakiin Hurgary ayaa sheegtay in xuduudda ay xirnaanayso soddon maalmood.

Waxay Serbia ugu baaqday inay wax ka qabato qaxootiga dhagxaanta ku weeraraya boliiskeeda.