Daraasaad laga soo saaray Malariyada

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Malariya ayaa ah cudurada ugu badan ee dadka Afrika ku nool disha.

Daraasaad cusub ayaa sheegaysa, in ololaha ka hortaga malariyada ee qaarada Afrika uu ka hortagay ku dhawaad toddobo boqol oo milyan oo jiro tan iyo qarniga bilowgiisii.

Daraasaadka oo ay samaysay Jaamacada Oxford, ayaa heshay in dadka cusub ee cudurka qaada uu kala bar yaraaday.

Laakiin daraasaadka ayaa sheegaysa in tallaalka lagula dagaalamo malariyada inaan wali la ogolaan.

Waxaa jira walaac laga qabo in cudurka uu adkaysi u yeesho daawada muhiimka u ah ee cudurka lagu daweeyo