Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Saddex xabsi daa'in lagu xukumay

Maxkamadda ciiidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday saddex dhalinyaro ah oo ay midkood aheyd haweeney kuwaas oo ay dhamaantood ku xukuntay xabsi daa'in.

Dhalinyarada ayaa waxaa ay maxkamadda ciidamadu ay sheegtay in lagu helay in ay ahaayeen Shabaab.

Xukunka ayaa waxaa ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur.

Xukunkaasi ay maxkamaddu ridday iyo eedeymo loo jeediyo maxkamadda ciidamada, ayaa wariyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimuu waxaa uu ka wareystay gudoomiyaha.

Waxa uu weydiiyay marka hore faahfaahin inuu ka bixiyo dhalinyarada saddaxda ah ee uu xukunka xabsi daa'inka ah ku riday.