Sirdoonka Britain oo ka hadlay argagixisada

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Madaxa sirdoonka Britain MI5 Andrew Parker.

Madaxa sirdoonka Britain ee MI5, Andrew Parker ayaa u sheegay BBC in qatarta argigixiso ee UK inay tahay heerkii ugu sareeyay tan iyo 9.11. Wuxuu sheegay in lix weerar argagixiso la joojiyay laba iyo tobankii bilood ee ugu danbeeyay, qatarta ugu badnaydna inay la xiriirtay Suuriya.

Waraysi toos ah oo uu madaxa MI5 uu bixiyay markii ugu horaysay, ayuu Mr Parker ku sheegay sida argagixisada ay u isticmaalayso teknoolajiyada si ay dadka u guubaabiso una qorshayso weeraro, taas oo ku ah dhibaato wayn MI5.

Wuxuu sidoo kale difaacay qorshe sharci cusub ee dalka Britain oo muran ka taagan yahay. Sharciga ayaa siinaya ciidamada ammaanka awood dheeraad ah si ay ula socdaan isgaarsiinta.