Dibadbaxyo ka dhan ah inqilaabka Burkina Faso

Lahaanshaha sawirka
Image caption Mid ka mid ah ciidamada ayaa telefishinka ka sheegay in dowlad cusub la samayn doono.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in ka badan tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo ka dhan ahaa inqilaab ka dhacay dalka Burkino Faso.

Xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo ku sugan qasriga ayaa ku riday rasaas digniini ah dibad-baxayaasha ku sugnaa caasimada Ouagadougou.

Madaxweynaha Faransiiska, Farnaso Holande waxa uu cambaareeyay inqilaabka balse waxa uu sheegay in aysan jirin sabab ay ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalkaasi ay u faragaliyaan xaaladda.

Dowladda Burkino Faso ayaa la riday. Ilaalada madaxtooyada ayaa telefishinka uga dhawaaqay in la kala diray dowladii ku meel gaarka.

General Gilbert Diendere, ayaa loo magacaabay inuu yahay hogaamiyaha dowladda ku meel gaarka.

Xuduuudda oo dhan ayaa la xiray, waxaana la soo rogay waqti aan la socon karin.

Gudoomiyaha baarlamaanka, ayaa ugu baaqay milatariga inay faragalin ku sameeyaan, si ay u joojiyaan sida uu sheegay talaabada ay qaadeen koox yar oo ka tirsan milatariga oo dowladda riday.