Croatia: "Ma qaadan karno dad dheeraad ah"

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaxooti badan ayaa yimid Croatia kadib markii laga xiray xuduudda Hungary.

Croatia ayaa sheegtay inaysan qaadanayn qaxooti dheeraad ah, iyadoo ay ka jirto jahawareer mid ka mid ah xuduuddaheeda.

Wasiirka arrimaha gudaha (Ranko Ostojic), ayaa sheegay dadka yimid Croatia waa inay codsadaan magangalyo, hadii kale waxaa loola dhaqmayaa inay yihiin dad sharci la'aan ku soo galay.

Magaalada Tovarnik, boliiska rabshadaha ayaa la halgamaya kumanaan qof oo sugaya inay sii aadaan waqooyiga Yurub. Dadka ayaa ka imaanaya xuduudda Serbia.

Iyadoo qorax kulul ay jirto, dad meel isugu yimid ayaa ku qaylinayay "waxaan doonaynaa inaan baxno" waxayna isku dayeen inay ka gudbaan safka boliiska.