Hindiya: Malaayiin u tartamay 368 shaqo

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dadka shaqooyinka dalbaday ayaa badankood ah dad jaamacad ka soo baxay.

Masuuliyiinta Hindiya ee gobolka ugu dadka badan ee Uttar Pradesh, ayaa sheegay in laba milyan iyo saddex boqol oo kun oo qof ay soo dalbatay saddex boqol iyo lixdan iyo siddeed shaqooyin dowladda.

Taas ayaa micnaheedu yahay in in kabadan lix kun oo qof ay u tartamayso halkii shaqo. Iyadoo muujinaysa shaqo la'aanta ka jirta gobolka.

Dadka badankood ayaa ah dad jaamacad ka soo baxay.

Masuuliyiinta ayaa sheegay inay qaadanayso afar sanno in dadka oo dhan waraysi lala yeesho.