Qarax ka dhacay Kismaayo

Image caption Kismayo

Qarax lala beegsaday ciidamada maamulka Jubaland ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay xerada daraawiishta ee magaalada Kismaayo.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarka.

Alshabaab ayaa horay weerar ku qaaday ciidamada maamulka, iyadoo weerartay dhawaan saldhig lagu tababaro ciidamada.