Alshabab oo dib u qabsatay Yaaqbari-wayne

Lahaanshaha sawirka none

Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay dagaal ay saaka kooxda Al-shabaab kula wareegtay deegaanka Yaaqbari-Weyne oo ka tirsan degamada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalka oo bilowday aroornimadii hore ee saaxa ayaa kooxdu waxay ku weerartay labo saldhig oo ay daganaayeen ciidamada dawladda Soomaaliya, waxayna sidoo kale weerarkaasi ku qabsadeen labo baabuur oo ah kuwa ciidamada.

Saacado ka hor inta aanu weerarkaasi dhicin ayaa Ururka Al-shabaab waxay qabsadeen degmada Jannaale ka dib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii AMISOM ee deganaa ee ka socday dalka Yuganda.

Ka bixtaanka AMISOM ee Jannaale ayaa imaanaya dhawr iyo toban maalmood ka dib markii Al-shabaab ay ku dishay weerar ay halkaasi ku qaaday sagaal iyo toban askari oo u dhashay dalka Ugandha iyadoo tiro kale maxbuus ahaan u kaxaysatay.