Croatia oo isdhaafineysa soogalootiga

Croatia ayaa waxay xirtay todobo ka mid ah wadooyinka ka gudba xuduudyada dalka Serbia ka dib markii 14,000 oo soogalooti ah ay galeen dalkaasi labadii maalmood ee ugu danbeeyay iyago raadinayo marin ay ku aadaan waqooyiga Yurub.

Soogalootiga ayaa hadda waxaa loo qaaday xuduudka Hungary, hase ahaatee dalkaasi ayaa bilaabay in xeendaab ka dhiso xuduudkiisa.

Slovenia oo iyana deris la ah Croatia ayaa ku eedeynysa Croatia in ay jabisay xeerarka Yurub.

Tiro badan oo ka mid ah soogalootiga ayaa u socday waqooyiga Yurub iyagoo dhexmaraya dalaka Balkanka taas qalalaase ka dhalisay dalalka Yurub.

■ Militariga iyo boliiska Jamhuuriyada Jegga ayaa leyli iskula sameynaya xuduudka oo looga goleeyahay in ay iskakashadaan difaacida xuduudka marka xaaladu ay qalalaase gaarto.

■ Qof soogalooti ah oo loo maleynayo in uu u dhashay dalka Suuriya ayaa koronto ku qabatay halka laga galo khadka tareenka ee Eurotunnel ee magaaladda Calais.

■ Hay'adda Soogalootiga Caalamiga ah ee IOM ayaa sheegeysa 473,000 oo soogalooti ah in ay ka gudbeen badda Madetereeniyaanka sanadkan iyagoo u socda Yurub oo ay ka mid yihiin 180,000 oo Suuriyaan ah.