Booliis dheeri ah oo la geeyay Qudus

Lahaanshaha sawirka a

Israa'iil ayaa boqolaal booliis dheeri ah gaysay Qudus kaddib maalmo ay socdeen isku dhacyo u dhaxeeya Falastiiniyiin mudaaharaadaya iyo laamaha ammaanka.

Xiisadda ayaa inteeda badan ku wajahan masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa, kaas aad muhiim ugu ah Islaamka iyo Yuhuuda.

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ah ayaa ku dhawaaqay maalin caro oo xaaladda Al-Aqsa ku aadan.

Falastiiniyiinta waxaa kale oo ka caraysiiyay qorshayaasha Israa'iil ee ku aadan in ay booliiska u ogolaadaan in ay rasaas ku furaan dadka dhagaxaanta soo tuura.

Qof Israa'iili ah oo mooto waday ayaa bilawgii todobaadka u geeriyooday shil uu sababay dhaqaxaan la soo tuurayay.

Xaalado ammaan daro ah ayaa la soo sheegay jimcihii.