ECOWAS oo hormar ka samaysay xalka colaada Burkino Faso

Lahaanshaha sawirka AFP

Dhexdhexaadiyayaasha dalalka galbeedka Afrika ee ku howlan dib ugu soo celinta awooda dawladda rayidkaa ee dalka Burkino Faso, ayaa soo bandhigay qorshooyin lagu dhameynayo qalalaasha siyaasedeed ee dalkaasi.

Balse wali ma aysan xaqiijin in ay si deg deg ah ugu celiyaan xukunka dowladi rayidka ee meesha laga saaray.

Madaxweynaha dalka Senegal Mack Sall ayaa sheegay in qorshaha ay ka mid tahay in cafis loo fidiyo kuwii ka dambeeyay inqilaabka milatari.

Hindhisaha nabadeed waxaa ku jira in si deg deg ah loo soo celiya xukumamdii KMG, doorashana la qabto dabayaaqada bisha November.

Magaalooyinka waa weyn ee Burkina Faso, ayaa waxaa wadooyinka isugu soo baxay kumannaan mudaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda awoodda xoogga lagula wareegay.

Ku dhawaad muddo sanad ah ka hor ayaa Burkina Faso waxaa laga dhisay maamul kumeel gaar ah kaddib markii madaxweyne Blaise Compaore lagu riday kacdoon dadweyne, isaga oo xilka hayay 27 sano.