Addis Ababa oo laga bilaabay khad tareen

Image caption Tareenka cusub ee Itoobiya

Dawladda Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ka bilawday khad tareen oo magaalada gudaheeda ka shaqaynaya kaas oo isticmaalaya Koronto, waxaa ku baxday 470 milyan oo doolar.

Halkii saacba wuxuu qaadi karaa 60 kun oo rakaab ah.

Tareenadan oo isugu jira kuwo cadiin iyo cagaar ah iyo kuwo buluug iyo cadaan ah waxa ay ka shaqayn doonaan k 34 km oo magaalada gudaheeda iyaga ooo koronto ku shaqaynaya.

Waxa ay adeeg siindoonaan hal milyan oo ruux maalintiiba qiimuhuna waxa uu noqon doonaa wax ka yar doolar badhkii.

Mashruucani waxa uu astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika.

Khadkan waxaa dhisay Injineero Shiinays ah waxaana intiisa badan maalgaliyay bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.

Dawladda Itoobiya waxay sheegtay in tareenadani ay shaqayndoonaan 16 saac maalin kasta isla markaasna ay wax wayn katari doonaan ciriiriga ka jira wadooyinka magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.