Qaraxyo ka dhacay magaalada Maiduguri

Lahaanshaha sawirka AP

Wararka ka imaanaya waqooyi bari dalka Nigeria ayaa sheegaya in seddax qarax ay ka dhaceen magaalada Maiduguri.

Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay meel u dhaw masaajid.

Wararka qaar oo aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in illaa iyo 8 qof ay ku dhinteen, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Maiduguri, oo ku taalla gobalka Borno, waxaa ka dhacayay weeraro badan oo ay gaysanayaan kooxda Islaamiga ee Boko Xaram.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxyadan u dambeeyay.