Rajo laga qabo qaybsiga qaxootiga Yurub

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaxooti u kala gudbaya Croatia iyo Hungary.

Madaxweynaha baarlamaanka Yurub ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in wasiirada Midowga Yurub ay ku xalin doonaan kala qaybsanaantooda kulankooda Talaadada, ayna ku heshiin doonaan qorshaha lagu dajinayo boqol iyo lixdan kun oo dad magangalyo waydiisanaya.

Martin Schilz, ayaa hadlayay iyadoo wasiirada arrimaha dibadda ee Hungrary, Poland, Slovakia iyo Czech republic ay isku diyaarinayaan kulan si ay iskala kaashadaan meesha ay ka taagan yihiin culayska qaybsiga qaxootiga.

Talaabooyin Diblomaasiyadeed oo badan ayaa shir deg deg ay Midowga Yurub qaban doontaa Arbacada.