Iskuulada Kenya oo xiran

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Iskuulada Kenya

Iskuulada kenya ayaa xiran kadib markii ay socotay saddex toddobaad oo shaqo joojin macalimiin.

Maxkamad dalka Kenya ayaa amartay in lacagta macalimiinta la kordhiyo 50%, laakiin dowladda ayaa diidan.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in macalimiinta lacag fiican la siiyo, hadii loo kordhiyo lacagtana ay wax u dhimayso miisaaniyada dowladda.

Macalimiinta ayaa ku doodaya in heshiis laga gaaray mishaarka 1997 inaan lawada fulin.

Madaxweyne Kenyatta ayaa diidan, isagoo sheegay in lawada hirgaliyay.

Maxcalimiinta ayaa samaynayay shaqo ka fadhiisi tan iyo bilawgii bisha, iyagoo ku adkaysanaya in dowlada ay fuliso amarka maxkamadda.

In kabadan milyan arday oo imtixaan u fadhiisan doona bisha danbe, ayaa loo sheegay inay iskuul aadaan laakiin ma cadda inay joogaan macalimiin.