Militariga Burkina Faso oo gaaray caasimadda

Image caption Dibedbaxyo ayaa Burkina Faso ka socday tan iyo afgembigii ciidammada ilaalada madaxtooyada

Militariga Burkina Faso ayaa gaaray caasimadda Ouagadougou si ay cadaadis u saaraan ciidammada ilalada madaxtooyada ee afgembiga ka sameeyay dalkaasi.

Militariga ayaa u qabtay ciidammada ilaalada madaxtooyada inay isa soo dhiiban 1-da Duhurnimo (SGA).

Waxaa haatan socda wadahadal u dhexeeya taliyayaasha militariga iyo kuwa ciidammada madaxtooyada ee tala la wareegay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha dalkaasi oo labaduba horey lo xiray ayaa haatan la sii daayay.

Taliyaha ciidammada afgembiga fuliyay Gilbert Diendere aya sheegay inay diyaar u yihiin inay xukunka wareejiyaan marka madaxda Afrikaanka ee ku shiraya Abuja ay ansixiyaan qorshaha heshiiska oo qodobbadiisa ay ka mid tahay in cafis loo fidiyo saraakiisha afgembiga ka dambeysay.