Maamulka Burkina Faso oo lagu wareejinayo rayid

Image caption Burkina Faso rabshado ayaa ka dhacay markii dowladda la afgembiyay

Saraakiisha hogaaminayay afgembiga isbuucii hore ka dhacay dalka Burkina faso ayaa la filayaa inay maamulka dalkaasi maanta ku wareejiyaan dowlad rayid oo ku meel gaar ah oo ah tii ay afgembiyeen.

Lix madaxweyne oo ka socota dalalka Galbeedka Afrika ayaa maanta waxa ay u duuli doonaan caasimadda Ouagadougou, ayagoo ka ambabaxaaya Nigeria.

Talaadadii ayey hogaamiyayaashan ku shireen dalka Nigeria si ay u cambaareeyaan afgembiga.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska waxa ay qortay in hogaamiyayaasha ilaalada madaxtooyada ee ka dambeeyay afgembiga ay heshiis awood wareejin ah la saxiixdeen saraakiisha militariga.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in la isku raacay in ciidamadan ay ku noqdaan saldhigyadooda, ayna militariga ay ku sugnaadaan hareeraha caasimadda.

Hogaamiyaha Afgembiga, General Diendere, waxa uu kol siihoreysay sheegay in asiga iyo askarta kale ay maamulka wareejinayaan marka loo damaanad qaado cafis in loo fidinaayo.