ECOWAS oo ka shirayso Burkino Faso

Lahaanshaha sawirka AFP

Shir madaxeed looga hadlayo afgambigii dhawaan ka dhacay Burkina Faso ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada Abuja.

Dalalka ECOWAS ayaa la filayaa inay ka wada xaajoodaan hindise ku saabsan sidii doorasho loo dhan yahay ay dalkaas uga dhici lahayd bisha November.

inqilaabkii isbuucii hore dalkasi ka dhacay ayaa xukunka looga tuuray madaxweynihii KMG ahaa Michel Kafando iyo xukuumaddiisii.

Janaraalka awooda dalka Burkino Faso kula wareegay afgembiga ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu xukunka ku wareejiyo dawlad rayid ah.

Waxaa la sheegay in uu gabaad ka raadsaday guri uu leehay hogaamiye dhaqameed dalkaasi.