Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muqdisho: Dhaawacii qaraxa oo kordhay

Maamulka isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka soo raynayso xaaladda caafimaad ee dhaawacyo ka badan labaatan qof oo xalay la gaarsiiyay isbitalkaasi.

Dadka ayaa ku dhaawacmay qarax wayn oo ka dhacay barta koontarool ee ugu horeysa ee laga galo madaxtooyada Soomaaliya.

Dhaawacyada oo u badan kuwa culus ayay dhakhaatiirtu sheegeen in lagu sameeyay intooda badan qaliin, waxayna rajo ka muujiyeen in ay ka kacaan dhaawacyada soo gaaray.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan, oo saaka tagay isbitaalka Madiino ayaa waraysi la yeeshay agaasimaha isbitalkaasi Dr Maxad Yuusuf,

Wuxuu marka hore weydiiyay tirada dhawaacyada ee ka soo gaaray qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho iyo xaaladdooda.