Kay oo cambaareeyay weerarka madaxtooyada

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicolas Kay ayaa cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ee lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada Muqdisho.

Qaraxa ayaa dhacay saacada kaddib markii la soo gabagabeeyey shirkii wadatashiga ee madaxda dalka halkaa uga socday.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay inay jiraan, ciidamaduna waxay xireen waddooyinka madaxtooyada u dhow.

Xaaladda ayaa la sheegayaa inay degan tahay maanta.