Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aqoon iswaydaarsi caafimaadka carruurta

Aqoon kororsi ah kii ugu horeeyay ee lagu qabto Hargaysa oo ku saabsan qalliinada iyo daaweynta carruurta ku dhalata cudurada, sida iyagoo madaxu weynyahay ama faruuran ayaa lagu qabtay magaalada Hargaysa.

Shirkaasi oo uu soo qabanqaabiyay cisbitaalka daaweynta hooyada, dhalmada iyo carruurta ee Edna Hopspital ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qayb galay shaqaale caafimaad oo ay ku jiraan qaar isaga yimid cisbitaallada gobollada Somaliland, iyadoo casharro ay bixinayeen dhakhaatiir ka kala yimid adduunka.