UNHCR oo ka digtay qorshaha qaxootiga

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Qaxooti yimid Croatia

Hay'adaha qaxootiga ee ka shaqeynaya xadka u dhexeeya dalalka Croatia iyo Serbia, waxay sheegeen inay jirto cabsi ah in Midowga Yurub ay beddelaan siyaasadahooda ku saabsan dadka soo galowga ah taas oo walaac aad u badan ku abuureysa dadkaas, keentayna inay boliiska iskudhacaan.

Afhayeen u hadlay UNHCR waxaa uu sheegay in dadka megangelyo doonka ah ay ka welwelsan yihiin inaysan u suurta geli doonin inay sii wataan safarrada ay doonayaan inay ku gaaraan Jarmalka iyo meelo kale.

Wasiirro ka kala socda Midowga Yurub ayaa maanta gelinka danbe ku shiraya magaalada Brussels, si ay uga wada xaajoodaan dib u dejinta kumannaan qaxooti ah oo dhowaan soo galay.