Masar oo cafisay Wariyayaashii Aljazeera

Lahaanshaha sawirka AP

Madaxweynaha dalka Masar ayaa cafiyay laba ka mid ah wariyayaashii telefishinka Al Jazeera oo lagu helay dambi ahaa inay faafiyeen warar been abuur ah.

Mohammed Fahmy, oo Canadian ah iyo Baher Mohamed, oo Masri ah ayaa ka mid ahaa boqol maxaabiis ah oo madaxweyne Cabdul Fataax al-Sisi uu cafiyay maalin ka hor inta aanu aadin shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada New York.

Raggaasi ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah bishii hore, iyada oo lagu eedeeyay inay ku gacan siinayeen argagixiso wararkooda.

Peter Greste oo lala xiray weriyayaashan ayaa laga masaafuriyay Qaahiro sanadkan horraantiisi.

Arrintan ayaa waxay dhalisay olole ballaaran oo xorriyadda hadalka oo caalamka oo dhan ah.

Madaxweynaha Masar ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada New York si uu uga ka qaybgalo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.