Madaxii Volkswagen oo iscasilay

Madaxii hawlfulineed ee shirkadda Volkswagen, Martin Winterkorn, ayaa iscasilay kaddib markii ay weynaatay fadeexadda shirkadda ee ah inay wax ka badashay qiiqa ka baxa gawaarideeda.

Qoraalka iscasilaadiisa ayuu Mr. Winterkorn, ku sheegay in Volkswagen ay u baahan tahay bilow cusub. Shirkadda ayaa laga filayaa inay jimcaha magacawdo madax hawlfulineed oo cusub.

Xeer-ilaaliyayaasha Jarmalka ayaa bilaabay baaris dambiyeed ku saabsan tallaabada laga qaadayo shirkadda VW, kaddib cabasho ka timid xubno ka mid ah dadweynaha.

Wasiirka gaadiidka Jarmalka, Alexander Dobrindt, ayaa si xoog leh u beeniyay eedo ah inuu hore u ogaa in Volkswagen ay wax ka badaleyso xogta qiiqa, ka hore inta aanay soo bixin fadeexadda.

Waxaa soo baxday in madaxda Jarmalka ay ogaayeen faraqa u dhexeeyay qiiqa la diwaangeliyay markii la tijaabiyay iyo midka la helay marka ay jidka la saaray gawaarida.